Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle oo goordhaw gaaray jowhar

35

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle  Cismaan Barre Maxamed  ayaa  goordhaw  gaaray Magaalada Jowhar ee Caasimadda Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wafdi uu hoggaaminayo Cismaan Barre  ayaa galabta marka ay gaareen magaalada  jowlhar, iyadoo Guddoomiyuhu oo in muddo ah uu ku sugnaa magaalada Muqdisho

Socdaalka Guddoomiyaha ayaa waxaa ku weheliyay  Xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale kuwaas oo qayb ka ahaa safarka Guddoomiye Cusmaan Barre.

Gudoomiye Cismaan Barre Maxamed ayaa markii uu gaaray jowhar waxa uu saxaafadda u qabtay shir jaraaid waxaan uu sheegay in magaalada Muqdisho uu kula kulmay xildhibaanadda Labadda gole ee Barlamaanka Dowlada Federalka Soomaaliya eek u matala maamulka Hirshabelle

Waxa kale uu sheegay in uu kala hadlay sidi doorashada Soo socoto looga tashan lahaa in ay u dhacdo si cadaalad ah madama maamulka Hirshabelle ay ku soo Fool leeyihiin labbo Doorasho tan Maamulka Hirshabeelle Iyo mida federalka

Maamulka Hir-shabeelle ayaa waxaa ka socda Qaban qaabada doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Maamulkaasi, waxaana guddiga soo xulista Xildhibaanada ay billaabeen howlahooda iyo wali socoto soo xulista Xildhibaanada 2aad ee maamulkaasi.

Cismaan Barre Maxamed ayaa ku dhawaad lix bilood waxaa uu joogay Magaalada Muqdisho, waxaana hadda ku suganyahay Magaaladda  jowhar .