Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Baydhabo uga qeyb-galay Barnaamij Muhiim ah

42

Guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad goboledka  Koonfur Galbeed Dr, Mudane Cali Saciid Fiqi ayaa maanta qeyb-galay barnaamij lagu daah-furayey ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda qorsheynta maamulkaasi kaasoo ka dhacay  magaalada Baydhabo ee Xarrunta Gobolka Baay

Kulankaan  ayaa waxaa ka qeyb galey wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed, qaar ka mid ah wasiirada Maamulka Koonfur Galbed , gudigga mashruuca xasaradaha iyo agaasimayaasha guud ee wasaradaha qarkooda.

Ugu horeyn kulanka waxaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa sheegey in mashruucan Koonfur galbeed uu muhiimada  u leeyahay isagoona soo dhoweeyey fulinta barnaamijkan maanta laga daahfuray magaalada Beydhabo .

Dhinaca kale Cali Xaaji Aadan oo ah guddoomiyaha mashruuca oo kulanka ka hadlay  ayaa tilmaamay in  dadaalka lagu gaarey in mashruuca heerkan uu soo gaaro loona soo dhamar adeegay .

Gabagabada Kulankaan ayaa waxa daahfuray  gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr, Cali Saciid Fiqi  waxaa uu madasha ka sheegay in saameynta abaaraha soo noq-noqdey iyo fatahaadaha taas oo uu tilmaamay  inay muhim tahay in laga hortaggo , wuxuuna hoosta ka xariiqay in dhibaatada ugu badan ka imaaneyso is-badelka cimilada.

Shirkan ayaa mudada uu socdo waxa diirada lagu saari doonaa sida loo daryeeli karo deegaanka iyo in laga faa’ideysto kheyraadka deegaanka uu hoodnka ku yahay iyadoo la dhowrayo lana ilaalinayo nabad guurka deegaanka .