Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta daah-furay Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada dhexe.
Daah-furka Guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay Maanta si isku mid ah ugu billowdeen dhammaan maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad-ka.