Guddoomiyaha Cusub Ee Degmada Yaaqshiid Oo Xilka La Wareegay+SAWIRRO

31
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif oo Maanta si Rasmi ah xilka ugala wareegey Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid Muuse Geeseey ayaa shacabka Degmada ka codsaday in ay la shaqeeyaan.
Munaasabadda oo ka dhacday Xarunta Degmada ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaador Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) Gudoomiyaha Hawenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir Shacabka Degmada iyo Marti sharaf kale.