Guddoomiyaha Deg. Diinsoor oo kulan dhiiragelin u sameeyey ciyaar yahanadda Diinsoor+Sawirro

47

Guddoomiyaha Degmada Diinsoor Mudane Abdisalan Haji Siidow Mohamed ayaa maanta kulan dhiiragelin u sameeyey ciyaar yahanadda degmada Diinsoor,ee gobolka Bay.

Tartanka Isdhaxgalka Bulshada Iyo Nabada Degmada Diinsoor ee sanad guuradii koowaad ee jaaliyadda Koonfur Galbeed ee North America ayaa maanta lagu qabtay degmada Diinsoor.

Gudoomiye Abdisalan Haji Siidow Mohamed ayaa sheegay in sports-ka uu yahay isdhaxgalka bulshada iyo horumarinta nabad.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa amaanay Doorka firfircoon oo ay Ciyaartoyda degmada uga qeyb qaaten tartankaan.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor Abdisalan Haji Siidow Mohamed ayaa gudoonsiiyay abaal Marino Ciyaartoydii iyo xubnihii kale ee ka qeyb qaatay Tartanka Isdhaxgalka Bulshada Iyo Nabada Degmada Diinsoor.