Guddoomiyaha G/Shabeellaha Hoose oo Eedeyn kulul u jeediyay Al-Shabaab

29

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Ibraahim Aadan Cali Najax, ayaa sheegay in Al-Shabaab, ay ka dambeeyeen biyaha wabiga ee ku fatahay deegaanada beeraleyda ah ee Degmada Aw-dheegle oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa xusay in Al-Shabaab ay biyaha webiga Shabeele ku fasaxeen beeraha ku yaalla degaanada Aw-dheegle.

Maamulka Degmada Awdheegle oo ku baxay Biyaha ayaa ku howlan xakameynta biyaha wabiga ,iyadoo Jawaano carro ah oo aan horay u geenay Awdheegle ay kula tacalaaayan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degaano badan oo ku teedsan webiga Shabeellaha gaar ahaan tuulooyinka ka tirsan degmada Afgooye, waxaa fara ba’an ku haya fatahaadda uu webiga ku sameeyay halkaas oo dad aad u badan hoy la’aan yihiin.