Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose oo war ka soo saaray xarigga Macalin Cabdikariin Bilaaal

48

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa ka jawaabay warbixin uu baahiyey mid ka mid ah Telefishinada Soomaalida iyo sidoo kale cabasho ka soo yeertay qoyska Macalin Cabdikariin Bilaal oo la sheegay inuu ku xiran yahay gobolkaasi.

Guddoomiye Najah oo si deg-deg arrintan uga jawaabay ayaa sheegay inuu xiriiro kala duwan la sameeyey dhammaan saldhigyada Booliska gobolka, islamarkaana uu daba-galay xariga Macalinka, balse wuxuu cadeeyey in uusan u xirneyn maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ka dib markaan xiriiro kala duwan la-sameeyay Saldhigyada Booliska Degmooyinka Gobolka, isla markaaan aan daba-gal ku sameeyay warbixinta ay tabiyeen mid ka mid ah Telefeshinada dalka ee aheyd in Cabdikariiin Bilaaal uu ku xiran yahay Gobolka Shabellaha hoose iyadoo Qoyska Macalinka ay muujiyeen in ku tagri-fal lagu sameeyay Cabdikariin Bilaaal.” ayuu yiri guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah).

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa caddeeyey in muwaadinkaasi uu gacanta ugu jiro kooxaha argagixisada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya gobolkaasi.

“Waxaan cadeyneena in Gacanta Dowladda uusan ku jirin Cabdikariin Balse uu u xiranyahay Maleeshiyadda Shabaab ee qeybo ka mid ah Gobolka Ku dhuu-maaleysta.” ayuu sii raaciyey guddoomiyuhu.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maanta baraha bulshada si aad ah loogu baahiyey muqaalka qoyska Macalin Cabdikariin Bilaal oo ka cabanaya ku takri-fal lagu sameeyay, walow uu maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ee uu horkacyo Najah uu ka jawaabay eedeyntaasi.