Guddoomiyaha Janaale Oo Beeniyey Inay Al-Shabaab Galeen Deegaankaasi.

53

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda  Hoose, Cabdiraxmaan Nuur Yuusuf (Al-Cadaala) ayaa ka hadlay warar saacadihii la soo dhaafay lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka oo lagu sheegay inay Al-Shabaab gudaha u galeen deegaankaasi.

Gudoomiye Al-Cadaala ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weerarkaasi, wuxuuna shaaciyey in haatan Janaale ay ku sugan yihiin ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Al-cadaala waxa uu tilmaamay in xaaladdu ay tahay mid degan, islamarkaana amniga uu yahay mid aad u wanaagsan oo aysan jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay .

Guddoomiyaha Janaale Cabdiraxmaan Nuur Yuusuf (Al-Cadaala)  ayaa sheegay inay jiraan xubno ka tirsan ururka Al-Shabaab oo saacadihii ugu dambeeyey isku soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya.