Guddoomiyaha Maxkamadda sare KGS oo ka Hadlay in wax laga bedeley,qaabkii hore u shaqeyn jiray Garsoorka .

48

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Konfur galbeed Mudane Dr Ahmed Ali Musse ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay sida ay u shaqeeyan hay’addaha Garsoorka maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya

Dr Ahmed Ali Musse ayaa sheegay in Madaxweyne cabdi casiis xasan maxamed (lafta gareen ) tan iyo inta uu yimid xafiiska uu  waqti badan geliyey qaabkii loo habeyn lahaa guud ahaan garsoorka konfur galbeed .

Guddoomiyaha maxkamada sare ee Konfur galbeed Mudane Dr Ahmed Ali Musse  ayaa waxa uu soo hadal qaaday in wax badan ay u qabsoomey lana  bedeley,qaabkii hore u shaqeyn jiray Garsoorka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya .

“Waxa aan qaadaney dhalinyaro dhawaan kasoo baxay jaamacadaha dalka kuyaal iyo kuwo dibada wax kusoo bartey oo isugu jira kaaliyaal, xeer ilaaliyaal,  iyo garsoorayal cusub oo xuquuqdooda bil walba hela,”ayuu yiri Dr Ahmed Ali Musse

Gabagada hadalkiisa Guddoomiyaha maxkamada sare ee Konfur galbeed Mudane Dr Ahmed Ali Musse ayaa waxa uu soo hadal qaaday sida loo gaari karo  danta guud ee caddaaladda loona helo Garsoor Tayo leh

Maxkamda Maamulak Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay ka mid yihiin Howlaha Maamaulak u wax qabatay Mudadii uu maamulkaan dhisnaa waxana ay u adeegaan Bulshada Ku nool Deegaanada Dowlad Goboledka Konfur Galbeed Soomaaliya