Guddoomiyaha Sh/Hoose oo soo xiray tartan ka socday deegaanka Janaale

37

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa galabta soo xiray tartan xiiso badan oo kubadda cagta ah, kaas oo loo qabtay dhalinyarada ku dhaqan deegaanka Janaale.

Tartankan ayaa waxaa ka qeyb-galay illaa sideed koox oo ka dhisan deegaankaasi, iyadoona kooxaha galay kaalmaha koowaad, labaad iyo saddexaad la guddoonsiiyey abaal-marino qaali ah.

Guddoomiye Najah ayaa sheegay in muhiimadda loo qabtay tartanka uu yahay mid lagu dhiiro-gelinayo, laguna xoojinayo is-dhexgalka bulshada deegaanka Janaale.

“Waxaan soo xiray tartan kubadda cagta ah oo aan u qabanay 8-kooxod oo ka dhisan deegaanka Janaale iyo tabbabar lagu dhiiragelinayo dhalinyaradda Janaaale si aan u xoojino is dhex-galka bulshadda.“ ayuu yiri Najah.

Sidoo kale Madaalaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa intaasi ku daray

“Awood-siinta dhalinyaradda waa qeyb ka mid ah tiirarka dowladnimadda waxaana u taaganahay inaan garab taagnaanno si aan u helno nabad iyo dhalinyaro maskaxda ka xor ah.“ ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Intii uu socday tartankan ayaa waxaa sidoo kale u soo daawasho tegi jiray boqlaal dadweyne ah oo la dhacsanaa qabashada ciyaarahaas oo ahaa kuwo xiiso badan.

Guddoomiye Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa mar-weliba u taagan horumarinta bulshada gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna haatan gobolka guud ahaantiis ka wadaa dadaallo xoogan oo sare loogu qaadayo wax soo saarka iyo horumarinta Shabeelaha Hoose.