Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland oo laga helay Xanuunka Covid-19

29

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee deeganada Somaliland  ayaa tilmaamaya in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Ciro laga helay Xanuunka  safmareenka ah ee Covid 19

Qoraal uu soo dhigay bartiisaBaraha Bulshada  ayuu ku xaqiijiyay in laga helay Xanuunka Corona Virus kaddib markii la baaray, waxaana uu sheegay in uu galay Karantiil muddo 7 Maalmood ah.

Gudoomiye Cirro ayaa soo qoray sidaan “ ALXAMDULILLAAH calaa kulli xaal, maanta waxa la iga helay Corona Virus baadhis kaddib. Waxa aan ku jiri doonaa karantiin-iskay ah oo toddoba maalmood ah sida dhakhtarku ku taliyey. Caafimaadkayguna aad buu u fiican yahay.

Waa mas’uulkii ugu horeyey oo caan ka ah deeganada Somaliland oo laga hello Xanuun Covid 19