Guddoomiye Afgambi ku tilmaamay mooshin xilka looga qaaday

16

Guddoomiyihii hore ee gobolka Wajeer Maxamed Cabdi Maxamuud ayaa xil ka qaadistii todobaadkii hore lagu sameeyay ku tilmaamay inay aheyd afgambi abaabulnaa, isla markaana waxyaabihii lagu soo eedeeyay aysan sax aheyn.

Mooshinkii xil ka qaadistiisa waxaa u codeeyay 25 xildhibaan oo ka tirsan 47-da mundane ee aqalka sare ee Senate-ka Kenya, waxaana lagu soo eedeeyay arrimo ay ka mid ahaayeen musuq-maasuq iyo inuu ku xadgudbay dastuurka Kenya.

Ku xigeenkiisii Axmed Cali Mukhtaar ayaa maalin kaddib xilka guddoomiyaha Wajeer loo dhaariyay.