Guddoomiye Cabdi Xaashi Iyo Sheekh Shariif Oo Kulan Xasaasi Ah Yeeshay

24

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabd Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed ahna hoggaamiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiye Cabdi Xaashi uu booqday Shariifka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka dhacaya oo weli muran xoogan uu ka taagan.

Sidoo kale labada dhinac ayaa diirada saaray sida lagu xalin karro arrinta Xildhibaanada Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo siwen isugu hayaan Guddoomiye Xaashi iyo dowladda Federaalka.