Guddoomiye Cumar Filish oo sheegay in ay wax ka qabanayaan baahiyaha gaarka ah ee Bulshada Boondheere

115

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) oo ay wehliyaan Gudoomiye ku-xigeneda Maamulka Gobolla Banaadir ayaa ka qeyb galay kulanka ka warqabka Bulshada iyo wacyi gelinta Dadweynaha oo lagu qabtay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Mudane; Cumar Filish, ayaa Bulshada Degmada Boondheere kula dar daarmay in ay xoojiyaan la shaqeynta maamulka, wuxuuna ballan qaaday in maamulka Gobolka Banaadir uu wax ka qaban doono baahiyaha gaarka ah ee ay soo gudbiyeen.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dedaallada uu maamulka Gobolka Banaadir ugu jiro in lagu abuuro jawi iska warqab ah, si xal loogu helo baahiyaha kala duwan ee ay qabaan Bulshada ku dhaqan Caasimadda Dalka.