Sunday, October 17, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Baay (Wareegto)

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Baay (Wareegto)

24

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Baay ee Maamulkaas.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Cumar Isaaq Balsh, isagoo bedelaya Guddoomiyihii ee Gobolkaas Cali Wardheere C/raxmaan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laamaha amniga Gobolka faray inay la shaqeeyaan Guddoomiye Cumar Isaaq Balsh, isagoona Guddoomiyaha ka dalbaday inuu si toos ah u guto wajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Baay uu Madaxweyne Lafta-gareen latashi kala sameeyay Wasiirka Arrimaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.