Guddoomiye Gobol Ka Tirsan Puntland Oo Ka Badbaaday Weerar Lagu Qaaday

33

Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegay in xalay weerar xoogan lagu qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiyaha Gobolkaas oo ku yaalla degmada Badhan, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Rag hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa weerar loo adeegsaday rasaas ku qaaday Guriga uu degan yahay Guddoomiye Cali Xuseen oo loo yaqaano Soomaali, hayeeshee weerarkaas uu badbaaday.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in weerarka intii uu socday iska horimaad kooban uu dhexmaray Ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha Gobolka iyo ragii weerarka soo qaaday oo markii dambe goobta ka baxsaday.