Gudoomiye ku xigeenka maaliyada Qansaxdheere oo la magacaabay

89

Wasiirka arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Abukuar Cabdi ayaa maanta oo ay Tariikhdu tahay 07-9-2020 u magacaabey Cumar Maxamed Cali guddoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka iyo maaliyadda degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in xil-kii looga qaaday guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka iyo maaliyadda ee degmadaasi.

Sidoo kale waxaa wareegtada lagu sheegay in magacaabistan ay keentay baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha maaliyadda ee degmada Qansaxdheere.