Guddoomiye Mursal oo Sheegay in aysan weli dhamaan Shaqada Baarlamaankan 10-aad Hortaalo

41

Guddoomiyaha golaha shacabka barlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta shir guddoominayey kulankii codka kalsoonida loogu qaaday golaha wasiirrada cusub ee Soomaaliya ayaa ka hadlay halka ay ku dambeyn doonaan shaqada iyo kulamada golaha Shacabka .

Guddoomiye Mursal ayaa tilmaamay  golaha aan xiri doonin, isla markaana shaqada iyo kulamada xildhibaanada golaha shacabka ay sii socon doonaan, illaa inta laga dhameynayo ajendayaasha haatan hor yaalla golaha shacabka.

Dhinaca  kale guddoomiye Mursal ayaa xusay in kaldhigan 7-aad uu maanta ku egyahay, isla markaana Isniinta soo socota uu si toos ah u furmi doono kalfadhiga 8-aad ee xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanadda barlamanka ayaa waxa Horyaala howlo shaqo aad u badan oo ay qeyb ka tahay in ay meel mariyaan Hindiso Sharciyeedyo badan oo ay horey u soo  Gudbiyeen Golaha Wasiiradda .