Guddoomiye Najah oo hal arrin ku booriyey dhalinyarada magaalada Marka

29

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibarahim Adan Ali (Najah) oo ay wehliyeen wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed, Senator Xuseen Cali iyo guddiomiyaha Marka ayaa Dalxiis ku tegay goobo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaasi.

Guddoomiye Najah oo goob loo damashaado kula hadlayey dhalinyarada ayaa ku dhiiro-geliyey inay xoojiyaan dalxiiska, si u soo bandhigaan bilicda magaalada.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarka magaalada iyo is dhexgalka bulshada.

Marka ayaa ka mid ah magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya, waxaana leedahay xeeb dheer oo loo dalxiis tego, sidoo kalena laga kalluumeysto.