Sawirro: Guddoomiye Najah oo kormeeray Janaale & Buufow

101

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa maanta kormeeray deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Najah oo ay wehliyeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka ayaa booqasho ku tegay deegaanada Janaale iyo Buufoow.

Sidoo kale wuxuu kormeer ku sameeyey kanaalo uu maamulku qoday iyo dayactir ballaaran oo lagu sameeyey boondooyinka deegaanadaasi.

‘Masuuliyiin uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ayaa Kormeeray Kanaalo Maamulka uu ka qoday Deegaanada Janaale iyo Buufoow iyagoo dhan-ka kale kormeeray Dayactir lagu sameegay Buundooyinka Deganadaas.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka.

Guddoomiye Najah oo ah madaale ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday mashaariic horumarineed oo laga fulinayo gobolka Shabeelaha Hoose.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRDA