Guddoomiye Najah oo hambalyo u diray agaasime Cabdullahi Watiin

43

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Mudane Ibrahim Adan Ali (Najah) ayaa hambalyo iyo boggaadin u diray agaasimaha cusub ee madaxtooyada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loo magacaabay Mudane Cabdullahi Cali Maxamed (Watiin).

Najah ayaa Alle uga baryey agaasimaha cusub ee madaxtooyada inuu la garab-galo mas’uuliyada culus ee loo igmaday

”Hambalyo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Saxibkeey Abdullaahi Ali Watiin.” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Cabdullahi Cali Maxamed (Watiin) uu yahay nin dhalinyaro ah oo ka soo dhalaali karo xil-ka culus ee loo magacaabay.