Guddoomiyihii Degmada Wadajir oo xilka laga qaaday & mid cusub oo la magacaabay

138

Guddoomiyihii Degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir C/raxmaan Maxamed Cali, ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, kadib digreeto ka soo baxday Xafiiska Duqa Magaalada Muqdisho.

Xilkaan waxaa loo magacaabay Bashiir Mohamed Cali oo ay walaall yihiin isla Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Degmada Wadajir, sida ilo wareedyada ay xaqiijiyeen.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Dhacdo.com u sheegay shaqsiga xilka loo magacaabay inuu ka mid ahaa illaalada Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

Xil ka qaadistaan ayaa la sheegayaa inay sabab u tahay shaqooyinkii Degmada Wadajir oo fadhiid noqday, islamarkaana xittaa la waayay wado laga galo Degmada Wadajir, maadaama roobabkii da,ay biyo dhigeen Maamulkana uu wax ka qaban waayay.