Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo kulan la qaatay Cali Guudlaawe.

57

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Barlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiin luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyaan labadiisa  kuxigeen ee Xildhibaan Siraaji Shekh Isaaq Cabdulle iyo Xildhibaan Mahad Hassan Cusmaan ayaa kulan la qaatey Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Cali Guudlaawe.

Kulanka ayaa  waxaa si gaar ah  looga hadlay Dardargalnta iyo Dhameystirka howlaha Horyaalla Golaha iyo Guud ahaan Maamulka  Arrimaha doorashooyinka  Maamulka Hir-Shabeelle .

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Goboleedka Hir-Shabelle oo la sheegay in uu kamid yahay musharixiinta Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa uga mahad celiyay dadaalkooda ku aadan doorashooyinka Hir-Shabeelle.