Gudodomiyaha Magacaaban ee gobolka SH/Hoose oo ku wajahan Magaalada Baraawe & qaban qaabo ka socota

22

Magaalada  Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku wajahan wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Magacaaban ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii.

Maamulka Degmada Baraawe oo uu ugu horeyo Duqa Degmada Cumar Sheekh Cabdi Shafaani ayaa waxaa ay wadaan qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga uu Hogaaminyo Gudomiyaha Gobalka Shabeellaha Hoose Ee Magacaaban Cabduqaadir Siidii

Wafdiga Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ee degmada Baraawe uu ku tegayo ayaa waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha degmada Marka Cabdulaahi Cali Axmed Wafow iyo Xubno kale.

Gudodomiyaha Magacaaban ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyada oo amniga siweyn loo adkeeyay saakay