Gudoomiyaha Aqalka Sare oo soo saaray Habraaca Doorashada.

36

Guddoomiyaha Golaha  Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal kusoo saaray Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee loo yaqaano (Somaliland) .

Qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay  in, iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya dalka intiisa kale oo uu kajiro Maamul goboleed lagana jawaabayo walaaca & kalsooni darrada ay ka qabaan  musharixiinta kuraasta Baarlamaanka & musharixiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 lana raacayo heshiiskii doorashada oo ay gaareen Madaxweyne Farmaajo & dowlad Goboleedyada lagana tashtay siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uu soo saaray hanaanka maamul iyo  habraaca doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi.

Akhriso Qoraalka Gudoomiyaha.