Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.
Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland.
- Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye
- Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin
- Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin
- Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin
- Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin
Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo.