Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr Ali Said Faqi ayaa maanta booqasho ugu tagey qoysaskii Kooxda Nabadiidka Al shabab ka soo barakicyen Degmooyinka Tiyeeglow iyo Rabdhuure oo ka tirsan Gobolka Bakool.
Booqashadaan ayaa waxa Gudoomiyaha Ku wehliya qaar ka mid ah golaha wasiiradda Xukumadda KGS mas’uuliyinta Maamulak Gobolak Bakool iyo Kan degmada Xudur.
Booqashadaan ayaa waxa ay aheyd mid loogu koor galayo xaalda Nololeed eek u noolyihiin qoysaskaan oo muddo afar sanno ah ku sugnaay degmada xudur kuwaasi oo ka soo barakacay dagaalada .
Qoysaskan oo hadda degen Xerooyinka barakac oo ku yaala Degamda xudur ayaa waxa ay beerahooda iyo Guryahooda ka soo barakaciyay maleeshiyaadka Al-shabab oo deegaanada Miyiga ah ku dhuumaaleysanayo .









