Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada KGS oo maanta ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga

32

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Dr Cali Saciid Faqi ayaa  ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Gudoomiyasha Gobolada iyo Degmoyinka KGS oo maalintii Afaraad Baydhabo ka socodo.

Shirweynaha Wadatashiga Gudoomiyasha Gobolada iyo Degmoyinka KGS ayaa waxa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS ayaa waxaa looga hadlaya  horumarada iyo masharaacida laga fuliyay degmo kasta oo ka mid ah deeganada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Shirkan ayaa waxa maalin walba Su’aalo lagu weydiyaa wasiiradda Maamulak Dowlad Goboledka KGS  wax ay ka qabteen deeganadda  iyo howlaha qorsho ee u degsan wasaarad walba

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  oo maanta kulanka ka qeybgalay ayaa waxa uu sheegay in loo bahan yahay wasaaraddaha kala duwan ee Dowlad goboledak Koonfur Galbeed Soomaaliya  in ay wax ka qabtaan baahida iyo cabashaa ka soo yeereyso degmooyinka

Kulankan ayaa waxa uu soocondonaa Maalmaha soo socda iyadoo su’aalo lagu weydiin doono dhamaan wasiiradda kala duwan waxa sidoo kale casharo la xarira maamulka la siinayaa mas’uuliyiinta Degmooyinka Dowlad Goboledka Koonfur galbeed Soomaaliya