Gudoomiyaha Baarlamanka KGS oo Baydhabo kulan aqoon kororsi ah ugu qabtey qaar ka mid ah ardeyda dhigata Jaamacadaha

16

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kulan aqoon kororsi ah ugu qabtey qaar ka mid ah ardeyda dhigata Jaamacadaha Magaalada  Beydhabo  ee Xarunta Gobolka Baay

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb. Dr. Ali Said Faqi  ayaa ku booriyay ardayd  in ay bartaan Cilmiga Seyniska iyo Cilmi barista ,si ay wax badan uga fahmaan aqoonta ku duugaan Seyniska

Amb. Dr. Ali Said Faqi   ayaa waxa uu ka sheekeeyay faa’iidada ay leedahay in wax la barto waxana uu tilmaamay in ardayda Deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay yihiin kuwa xiligaan ugu baahida badan dhanka wax barashada maadama xiligaan deegaanada Koonfur galbed  Soomaaliya uu isbadal weyn ka muuqdo waxana uu sheegay in ardayda ay bartaan cilmiga wax u taraya deegaanka .

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dalka soomaaliya ay ka banaan yihiin fursado shaqo balse loo bahan yahay in la hello ardaydii ka faa’iideysan laheyd fursadaasi  banaan .

Aqoon kororsigaan ayaa waxa ka faa’ideysan doono mudada uu socdo arday wax ka barata Jamacahada ku yaal Magalada beydhabo .