Gudoomiyaha Baarlmaanka KGS oo booqday ciidan dhawan tababar loogu soo xiray Muqdisho

109

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb. Dr. Ali Said Fiqi ayaa Maanta Ciidanka Booliska gaarka KG oo dhawaan Tababar loo soo xirey Ku booqdey xerada gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho ,
Ciidamadan oo mudo dheer tababar la siinayey ayaa loo Tababarey Amniga iyo Xasilinta Deeganada Gobolka Shabeellaha Hoose.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa xerada waxaa ku soo dhaweyay Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed isagoona warbixin ka siiyay Xaladda guud ee Ciidanka iyo sida ay ugu diyaargaroobeen sifeeynta alshabaab oo wili kusugan qeeybo yar oo ka mid ah gobolka Shabeelada Hoose,

Ugu Dambeyn Gudoomiye Ali Said Fiqi ayaa Ciidamada kula dar daaramey in ay qeyb ka noqdaan sidii Cadowga Al shabab looga sifeyn lahaa Guud ahaan deeganada Gobolka Shabeellaha Hoose.

HALKAAN KA ARAG SAWIARAD