Gudoomiyaha Barlamaanka KGS & Gud.Cusub SH/Hoose oo kulmay.

48

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbed Soomaliya Dr.Ali Said Faqi
ayaa Xafiiskiisa ku Qaabiley Guddoomiyaha Cusub Ee Gobbolka Shabeelaha hoose Abdulkadir Siidii.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay kawada hadleyn xaalada Gobolka Shabeelada Hoose.
Kulankaan ayaa ahaa mid salaan iyo booqasho ah .

Gudoomiyaha Cusub ayaa waxaa dhawaan magacaabay Madaxweynaha maamulka KGS iyadoo shalay xilkaasi loo dhaariyay.

Guddoomiyaha Cusub Ee Gobbolka Shabeelaha hoose Abdulkadir Siidii ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.