Gudoomiyaha Barlamaanka KGS oo Daahfurey Tababar Ku saabsaan tacadiyada jinsiga

71

Aqoon is weydaarsi  kusaabsan habraaca iyo tabinta rabshadaha ku saleysan tacadiyada jinsiga oo lagu qabtey baydhabo.

Magaalada baydhaba ee xaruunta Gobolka Bay ayaa waxa maanta Gudoomiyaha Golaha Shacabka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ali Said Fiqi  Ka Daah furay Tababar kusabsan Habraaca Saxaafada ee loogu talagalay soo tabinta Rabshada kusaleysan tacadiyada .

Tababarkaan ayaa  waxaa goob joog ahaa Wasiirka warfaafinta dowlad Goboledka koonfur galbeed ilyaas saciid cali iyo wasiirka haweenka Maamulak konfur galbed Marwo fahiimo osman omar  iyo Agaasimaha qorsheynta ee wasaarada haweenka iyo horumarinta xuquuqda Aadana xukuumada fedraalka Faysal Nuur Faarah .

Sidoo kale Madashana ayaa waxa ka qeyb galay qaar ka mid Masuuliyiita Ururka saxafiyiinta Soomaaliyed ee NUSOJ iyo wariyaasha ka howlgala Deegaanada maamulak Koonfur Galbed Soomaaliya .