Gudoomiyaha Degmada Afgooye: Afgooye waxaa ka jira Xaalad Binii.aadanimo Gurmad Hala soo gaaro’

62

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ayaa ka hadlay xaalada bani’aadanimo ee ka jirta Degmada Afooge ee Gobolka Shabeealdda Hoose

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ahna Duqa magaalada Mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa sheegay in degmada Afgooye ay ka jiraan Xaalad Binii’aadanimo loona  baahanyahay Gurmad in lala soo gaaro’ waqtigaan aadka u adag

Gudoomiyaha Degmada Afgooye Ahna Duqa magaalada Mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa maanta Faafaahin uga warbixiyay Xaalada ka jirta Degmada.

 Gudoomiye Buulalow  Ayaa sheegay in Xiligan degmada Ay ka Jirto xaalad Adag taasi oo u baahin Gacan Bani’aadanimo

Mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow)  ayaa yiri”Waxaan maalmahan aan kormeeray meelaha uu Webiga biyo naqa ku sameeyay Waxaa hadda Dhibaato ka jirtaa Waaxda 21 Octoper Iyo Agagaarka Xerada Ciidamada AMISOM ee Degmada’’

Sidoo kale  isagoo sii Hadlayay Gudoomiyaha Ayaa Dalbadey Gurmad in lalasoo gaaro shacabka degmada oo xiligaan ay soo foodsaaren xalaad aad u adag .

Ugu dambeyntii Mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa waxa uu codsi iyo baaq u diray Mamaulka Sare ee gobolka Shabeeladda Hoose oo uu ugu horeeyo Madaale Hon Ibrahim Adan Ali Najah iyo Mas’uuliyinta kale ee maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya .

Gudoomiayaha ayaa mar kale yiri “Waxaan Gudoomiyaha Gobolka wasiirka Arimaha Gudaha DKGS iyo Ha’adaha deeqda bixiya ka dalbaneynaa in loo soo gurmado Shacabka Degmada Afgooye’

Si kastaba Biyaha webiga iyo Roobab ka Da’ayay maalmahan degmada Afgooye Ayaa ka dhashey in markale ay Biyo Galaan qaar kamid ah guryaha Degmada.

Waxana sidoo kale wabiga shabelle oo bartama Magaalada Mara uu keenay Biyo Badan  kadib markii  biyaha roobka.