Gudoomiyaha Degmada Afgooye & Enjineero Turki ah oo kormeeray Wabiga Shabeelle.+SAWIRRO

66

Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa kulan la qaatay Enjineero ka socday dalka turkiga kuwaasi oo qiimeyn ku sameynaya goobaha Wabiga Shabeelle Fatahaada ka sameyo xili walba.


Kadib kulanka ayaa waxaa ay kormeer indha indheyn ah ku tageen meelaha badanaa uu Wabiga ka Fataho si dib u dhis loogu sameeyo iyagoo soo qiimeeyay xaalada guud ee Wabiga si looga hortago Fatahaada.


Dhinaca kale gudoomiyaha degmada Afgooye Dr Aweeys Bulaalow ayaa waxaa uu kormeer ku tagay Kawaanka xoolo qalka degmada Afgooye waxaa uu soo xog-wareystay ganacsatada Kawaanka kuwaas oo ugu warbixiyay xaalada guud ee Kawaanka.


Socdaalka gudoomiyaha degmada Afgooye uu ku tagay maanta Wabiga iyo Kawaanka ayaa ku soo beegay kadib markii shalay uu xilka la wareegto.