Gudoomiyaha Degmada Afgooye oo la Kulmay Odayaasha Afgooye.

32

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada Hoose  ahna duqa magaalada mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa maanta Xafiiska kula kulmay Odayaasha dhaqanka Mid kamid ah beelaha dega Degmada Afgooye .

Odayaasha ayaa Gudoomiyaha La wadaagay sida ay uga faraxsanyihiin in mudane Aweys loosoo magacaabo Duqa degmada Waxaana ay u balanqaadeen iney la shaqeyn doonaan.

Odyaasha ayaa waxa ay taageero u muuijiyeen Gudoomiye Buulalow waxa ay u balanqaadeyn in xili walba ay garab tagan yihiin oo ay la shaqeynayaan

Sidoo kale Odayaasha dhaqanka degmada Afgooye ayaa waxa ay aad ugu mahad celiyeen Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Mudane Hon Ibrahim Adan Ali Najah oo u soo magacabay gudoomiye Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) in uu noqdo Gudoomiyaha Degmada Afgooye  waxana ay sheegeyn in uu yahay Shaqsi u qalma in uu Hogaamiyo Bulshada reer Afgooye.

Kulankii  Maanta ayaa waxa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo go’aan lagu gaaray in laga wada Shaqeyo  horumarka iyo amniga degmada Afgooye .