Gudoomiyaha Degmada Waajid oo Codsadey In La Furo Wadooyinka Ay Xanibeen Kooxaha Al-Shabaab Ee Gobolka Bakool.

35

Maamulka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Ayaa Maanta Ka Hadlay Arimo Badan Oo Ku Saabsan Degmada Iyo Deegaanada Hoos Yimaada.

Gudoomiyaha Degmada Waajid Max’ed Macalin Yuusuf Ayaa Sharaxaad Dheer Ka Bixiyey arrimaha Degmada Xilligaan, Horumarada Ay Ku Talaabsatey Iyo Caqabadaha Hordadban Ee U Baahan In Wax Laga Qabto.

Maamulka Sare Ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Ayuu Ka Codsadey In La Furo Wadooyinka Ay Xanibeen Kooxaha Al-Shabaab Ee Gobolka Bakool.

Ugu dambeyntii  Maamulka Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool ayaa waxaa uu baaq u  diray shacabka degmada Waajid Doorkooda ay ka qaataan nabadda iyo la shaqeynta Maamulka .