Gudoomiyaha Degmadda Afgooye oo la kulmay Odayaasha Xaafada La Burburiyay ee EMBEGATI +Sawiiro

61

Gudoomiyaha Degmada Afgooye ahna duqa magaalada Mudane Aweys Abdullahi Omar (Buulalow) ayaa maanta xarunta degmada kulan kula qaatay odayaasha Xaafadda Embagati oo maalmahan burburin ku socotay

Ugu Horeyn kulanka ayaa waxa ka  hadlay odayaasha laga burburiyay guryadooda kuwaasi oo u gudbiyay cabashadooda waxana ay sheegayn in Guryo dad shacab ah deganyihiin si xoog ah looga burburiyay isla markana loo baahanyahay in Maamulka Degamada uu ka hadlo

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmadda Afgooye ee Gobolka shabeeladda Hoose Aweys Abdullahi Omar (Buulalow)  ayaa odayaasha la wadaagay inuu aad uga Xunyahay In dad shacab ah la barakiciyo waxaa uu sheegay Inuu dib u Dejin loo Sameyndoono qoysaskii laga burburiyay xaafadahooda.

Gudoomiye Aweys Abdullahi Omar (Buulalow)   Ayaa Odayaasha u sheegay inay Gudi sameystaan si Arintan Xal loogu raadiyo.

Maalmahana ayaa waxaa Xaafadda EMBEGATI ka socday Howlo burburin ah oo lagu sameynayo guryo dad shacab ah deganyihiin

Maamulka degmad aAfgooye ayaa waxa uu sheegay in ay wax ka qaban doonan arrintaasi.