Gudoomiyaha G. Mudug oo ka hadlay Weriye Galkacyo lagu dilay.

36

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee qaybta Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee lagu dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan, laguna dhaawacay nin kale oo la fadhiyay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa ka tacsiyeeyay geerida Wariyaha, isagoona ku tilmaamay in uu ahaa nin geesiya, oo ka gacan-siinayay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Gudoomiye Sanyare ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay wadaan baaritaano la xiriira kuwii dilkaasi gaystay, ciddii ay ku cadaatana sharciga la horkeeni doono.

“Laamaha amnigu waxay wadaan baaritaano la xiriira dilka marxuum Jamaal, cid kastoo ku cadaatana sharcigay wajihi doontaa, Insha’Allah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.