Gudoomiyaha G/Sh.hoose oo maanta safar shaqo kutagay Degmada Afgooye

66

Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Cabdul qadir sheq maxamed nuur sidii iyo ku xigeenadiisa ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn degmada Afgooye waxaa ugu soo dhaweeyay maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ku faraxsanaa booqashada gudoomiye sidii.

Wafdiga uu hogaaminayay gudoomiyaha gobolka ee gaaray degmada afgooye ayaa kulamo la qaadan doona maamulka degmada, dhalinyarada, oday dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarkan ayaa qeyb ka ah safaro dhowr ah oo gudoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose uu ku marayo degmooyin iyo deegaano dhaca gobolkaasi.

Dhowaan ayey aheed gudoomiye Cabdul qadir nuur sidii iyo wafdi uu hogaaminaye Safar shaqo ay ku tageen degmada barraawe ee caasimada DGKS oo dhowan siminaar halkaasi kuso xeray

Safarka gudoomiyaha gobolka sh.hoose uu ku marayo degmooyinka gobolka Aya la xariira sidii wax loogu qaban lahaa adegyada cafimadka waxbarashada iyo dib udhiska xarumaha mamulka degmada