Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa kulan looga hadlayay Dar-dargelinta shaqooyinka horyaala maamulka degmada Baraawe la qaatay Maamulka degmada,iyo Howlwadeena xafiisyadda loogu adeego bulshada ku dhaqan Baraawe.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa waxa uu warbiixin ka dhageystay mas’uuliyiinta degmada baraawe oo ku aadan howlaha waxqabadka ee degmada laga fuliyay iyo sida ay u wada shaqeeyaan bulshada iyo maamulka degmada
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa waxa uu si aad ah u amanay sida ay howlahooda u gudanayaan mas’uuliyiinta degmada Baraawe .