Gudoomiyaha Gobolka SH/HOOSE oo Kulamo ka wado Beydhabo.

30

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi oo ku sugan magaalada Beydhabo ayaa waxaa uu halkaasi ka wadaa kulamo kala duwan oo la xariira sidii loo hormarin lahaa gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa xalay kulan looga hadlayay hormarinta iyo Adkeynta Amniga Gobolka Shabellaha hoose la qaatay Gudoomiyaha Baarlamaanka koonfurgalbeed Soomaaliya iyo Taliyaha Booliska Koonfurgalbeeed.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa waxaa uu kulankaasi si gaar ah uga la hadlay mas’uuliyiintaasi sidii looga wada qeyb qaadan lahaa sugida amaanka & iyo horumarinta adeegyadda Bulshada.

Gudoomiyaha waxaa uu dhawaan ka qeybgeli doonaa shirweyne looga hadlayo arrimaha Goboledka iyo degmooyinka deegaanada dowlad goboleedka koonfur Galbeed oo lagu qaban doono Beydhabo.