Gudoomiyaha Gobolka SH/HOOSE oo Soo Xeray tababar Muhiim ah.

65

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa soo xiray tabbabar shan maalin ugu socday degmada Afgooye Maamulka degmada iyo maamulada deegaanada hoosyimaada Afgooye sida Lafoole,Jaziira,Sabiid Caanoole iyo Mareere.

Maamulka Gobolka Shabellaha hoose oo soo agaasimay tabbabarka ayaa ugu talagalay in lagu tayeyo aqoonta maamulada iyo wada shaqeynta dhex dooda ah.

Maamulada ayaa casharo la xiriira habka wada shaqeynta iyo u adeegista bulshada ku qaatay tabbabarka iyadoo Gudoomoyaha Gobolka uu gudoonsiinay shahaadoyin dhamaan ka qeybgalayaasho tababarkan.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose ayaa kula dardaarmay mas”uliyiintii ka qeyb galay aqoon kororsigaan in casharadii ay qaaten in ay bulshada ugu adeegaan .