Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose oo Tababar u soo xeray Guddiga Xasilinta iyo Nabadeynta Degmada Marka.

34

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Mudane Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa Guddiga Xasilinta iyo Nabadeynta Degmada Marka u soo xiray tababar ku saabsan sidii ay ula shaqeyn lahaayen maamulka   iyo Xoojinta Nabada.

Tababarkan ayaa waxaa uu socday muddo  shan maalin ah waxana ka qeyb galay Mas’uuliyiinta guddiga Xasilinta iyo Nabadeynta Degmada Marka kuwasi oo qaadanayy tababarkan lagu baranayay wada Shaqeynta Maamulka IyoXoojinta  Nabad.

Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa guddiga faray in ay u howlgalaan si deg deg ah isla markaana ay ka warqabaan bulshada Magaaalda Marko ee Gobolka shabeeladda Hoose

Sidoo kale Hon Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa kula dardaarmay Xubanha Gudiga ka qeybna qaataan xalinta Khilaafaadka bulshadda dhexdeeda ka dhaca .

 Guddigaaan ayaa ka shaqeyn doona Nabada iyo Xasiloonida Degmada Marka iyo deegaanada hoosyimaada.

Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose ee uu Hogaamiyo Gudoomiye Mudane Madaale Hon Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa waxa ay marwalbaa tababaro u qabtan Mas’uuliyinta Gobolka iyo Bulshada aqoon kororosi la xariiro sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo garaadka  madaxda Hogaamiso Gobolka gaar ahaan maamulada Degmooyinka Gobolka Shabeeladda Hoose.