Gudoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo Warbixin ka siiyay Madaxweynaha KGS Xaalada Gobolka+Sawirro

101

Munaasabad lagu soo xeraayay Shirweynihii Mudada shanta Maalin socday ayaa lagu qabtay Magaalada Beydhabo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta soo xirey Shirweynaha Wadatashiga Gudoomiyaasha Degmooyinka iyo Gobolada Koonfur Galbeed oo mudo Shan maalin ah Magaalada Baydhabo ka socday.

Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose uu hoggaaminayay ee qeyb ka ahaayen Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka ayaa goobjoog ka ahaa xiritaaanka.

Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa warbixin guud oo ku saabsan xaalada gobolka Shabellaha hoose siiiyay Madaxweyne Cabdicaziiz Lafta-gareen.

Sidoo kale Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgalayaasha Shirkaan.

Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ayaa waxaa uu si faahfaahsan uga warbixiyay xaalada
Gudoomiye Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidi ee Gobolka Shabeelada Hoose iyo Doorka Horumarineyd ee bulshada Gobolka.