Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose oo Caawa la kulmay Odayaasha.

121

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siidii oo maalmahan magaalada Baydhabo howla shaqo u joogo ayaa kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka isagoo ka dhageystay tallooyin la xiriiira hormarinta gobolka Shabellaha hoose.

Kulankaan ayaa waxaa tirada lagu saaray sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Maamulka Gobolka iyo odayaasha dhaqanka.

Gudoomiye Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa waxaa uu ka dalbaday odayaasha in ay kala shaqeyaan arrimaha dib u heshiidinta beelaha wada dega Gobolka Shabeelada Hoose

Sidoo kale waxaa ay odayaasha iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada Hoose isla Afgarteen sidii ay wada shaqeyn u dhexmari laheyd.

Dhankooda odayaasha ayaa waxaa ay balanqadeyn in ay la shaqeyndoonaan,maamulka gobolka Shabeelada Hoose.