Gudoomiyaha Gobolka shabeeladda Hoose oo Tababar u furay Howlwadeennada Degmada Afgooye+SAWIRRO

107

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,  Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa tababar u furay hawlwadeennada iyo madaxda maamullada degmada Afgooye iyo deegaannada hoos yimaada, ee Gobolka Shabeeladda Hoose

Tababarkaan  ayaa qeyb ka ah dadaalka lagu kobcinaayo awoodda maamulka si loo tayeeyo shaqada maamullada deegaanada, isla markaana adeeg fiican loo gaarsiiyo dadweynaha gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose,  Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa ugu horeyn waxaa uu ka hadlay muhiimada  tababarka nuucan oo kale ah u leeyahay  in loo qabto Mas’uuliyiinta iyo Hawlwadeennada  kala duwan ee maamulka degmada si aqoontoda maamul iyo Sida ay bulshada ugu adeegaan sare loogu qaado.

Gudoomiye Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa ku buuriyay  in ay ka faa’ideeystaan  tababarkan iyo aqoonta ay baranayaa inta uu socdo aqoon kororsigaan si ay  ugu gudbiyaan bulshada kale.

Madaale Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu tilmaamay in ka maamul ahaan ay marwlba ay ku dadaalan  siidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo waayo aragnimada  shaqaalaha Maamulka ee u adeegayo Bulshada  waxana uu sheegay in marka qofka ma’suulka ah aqoontiisa ay sareyso uu bulsho hogaamin karo .

Ugu dambeyn tababarkan ayaa waxa  uu qeyb ka yahay dadaalka  iyo howlaha Maamulka Gobolka Shabeeladda Hoose uu ka wado Gobolka  waxana ka faaideysanaya  Madaxda Maamulka degmada Afgooye  iyo deegaano Hoos taga  ee Gobolka Shabeeladda Hoose .

Howlwadeenadda  iyo madaxda maamulka degmada Afgooye iyo Deegaanada kale ee hoos yimaada ayaa waxa ay tababarkan ku qaadanayaan mudada uu soocnayo  Maamul wanaaga iyo sida ay uwada Shaqeeyaan  Bulshada iyo Maamulada degmooyinka .

#Daryeel iyo Dowladnimo

#Nabad iyo Najah.