Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hooose oo Hambalyo u diray Golaha wasiiradda Cusub

59

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa Hambalyo u diray Golaha Wasiiradda Cusub  ee xalay la magacaabay.

Gudoomiyahe Ibrahim Adan Ali Najah ayaa yiri “ waxaan halkaan ugu Hambalyeynayaa dhamaan Golaha wasiiradda ee cusub waxaa alle ugu baryaa inuu u fududeyo shaqooyinkooda. Maadaama dalka  uu xaalad dagaal ku jiro waxaan si gaar ah ugu hambalyeena  Wasiirka Gaashaandhigga oo looga fadhiyo inuu qeyb ka qaato Dagaalka lagula jiro Shabaab loogana xureynayo Gobolka Shabellaha hoose.

Gudoomiye Madaale Ibrahim Adan Ali Najah ayaa u rajeeyay Golahaan wasiiradda  cusub in xilkooda Alle u fududeeyo

Sidoo kale Mudane Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxaa uu si gaar ah uga codsaday Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Xuseen Xaaji in looga fadhiyo inuu qeyb ka qaato Dagaalka lagula jiro nabad diidka Al-Shabaab si looga xureeyo deeganada fara ku tiiriska ah oo ay kaga sugan yihiin Gobolka Shabellaha hoose.

Ugu dmabeyn Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa ugu baaqay xildhibaanada Golaha shacabka in ay sida ugu dhaqsiyaha  Badan u ansixiyaan golaha wasiiradda cusub ee Xukumadda Ra’iisulwasaare Rooble .