Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Maamulka

71

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur siidi ayaa kulan guud u qabtay Gudoomiye ku xigeenadda Gobolka,Xoghayaha Gudoomiyaasha Degmooyinka  iyo Howl-wadeenadda Xafiiska Warbaahinta iyo  Xafiiska Xiriirka Hey’adaha waxaa kulanka qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaradda arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kulanka ayaa inta uu socday waxa lagu lafa- guray sidi loo dar-dargelin lahaa shaqooyinka iyo sidii leyskaga-kaashan lahaa amaanka degmooyinka isla markaana ay iskaga warqabi lahaayen.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Siiidi,ayaa faray gudoomiyaasha degmooyinka iyo gudoomiye ku xigeenadda Gobolka in ay si dhaw ugu warqabaan bulshada gobolka oo imika la daalaa-dhacaya fatahaado iyo Anyaxa ku habsaday beeraha  qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Shabellaha hoose mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur sidii ayaa ballan-qaaday in uu wax ka qaban doono xaaladaha Bini’aadanimo iyo Amni ee ka jira Shabellaha hoose.