Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo Xariga ka Jaray Mashariic laga Hirgeliyay degmada Awdheegle +SAWIIRO

55

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah oo howlo shaqo ku maraya qeybo ka mid ah Gobolka shabeeladda Hoose aya  waxa uu maanta xariga ka jiray mashaariic kala duwan oo bulshada wax tar weyn u leh kuwaasi oo laga hirgeliyay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeeladda Hoose.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa Bulshada Awdheegle ugu hambalyeeyay Mashaaricda muhiimka ah ee laga hirgeliyay Degmadasi.

Gudoomiye Najah oo maanta ka hadlayay Munaasabadda  xarig jarka ah ee  Masahaaricda laga Fuliyay deegaanka Awdheegle ayaa  yiri” Ka dib Dadaal dheer aan sameynay waxaan ku guuleysanay inaaan maamulka degmada Awdheegle u dhisno xarun degmo ay si buuxda ugu shaqeyaaan iyadoo Bulshada magaaladana aan u dhisnay School si casri ah loo dhisay oo hada ka dib ay wax ku baran doonaaan.

Sidoo kale Gudoomiye Madaale Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonan howlgada ay uga sifeynayaan maleeshiyaadka hubeysan ee Nabad diidka Al-shabab kuwaasi oo meelo yar ugau sugan Gobolka shabeeladda Hoose

Gudoomiye Najah ayaa mar uu ka hadlayay arrimahaasi wxaa uu yiri “Maanta ayaan si rasmi ah xariga ugu jaray Mashaaaricdaas, Deegaanada Laga xureeyay maleeshiyada Al Shabaab ee ku jira xaaladda soo kabashadda ah waxaan ugu talagalnay inaan ka dhisno xarumaha muhiimka u ah bulshada iyo Dowladda.”

Mashruucaan  ayaa waxa uu  muhiim u yahay bulshada ku nool degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeeladda Hoose gaar ahaan arday iyo waalidiinta  kadib markii Maamulka Gobolka oo uu Hormuud u yahay Gudoomiye Hon Ibrahim Adan Ali Najah ay arkeen baahida dhanka waxbarashada ah eee ka jirta halkaasi ayaa waxa laga  hirgeliyay iskool ay  wax ku baran doonan ardayda deeganka iyo Dib u dhsi lagu Sameyey Xaruunta maamulka degmada Awdheegle uu ku shaqeyn doono .

Bulshada iyo Maamulka degmada Awdheegle ayaa soo dhaweyey masharacidan laga hirgeliyay halkaasi.