Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose oo xariga ka jarayay Xaruumo Muhiim ah.Sawiiro.

13

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa maanta ka qeyb galay Munaasabad uu xariga uga jarayay Xarunta  Hooyada iyo dhallaanka ee degmada Awdheegle iyo Saldhiga Ciidamada  Booliska degmada.

Munaasabadaani ayaa waxa ka qeyb galay mas’uuliyin ka socotay maamulka  Gobolka  kan degmada Awdheegle, odayasah dhaqanka, saraakiisha Ciidaamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Ku nool degmada Awdheegle .

Ugu horeyn  Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah ayaa si rasmi ah Xariga uga  jaray Xarunta   hooyada iyo dhallaanka ee  degmada Awdheegle.

sidoo kale Gudoomiye Madaale Najah ayaa maanta  Xariga ka jaray  Saldhiga Ciidamadda  Booliska ee degmada .

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah oo khudbad Qiimo badan leh ka jeedinaayay Munaasabadda xarig  jarka ayaa waxaa uu  yiri”Maalin kale oo farxadeed waxaan xariga ka jaray Xarunta hooyada iyo dhallaanka ee Awdheegle iyo Saldhiga Booliska.”

 Mudane Madaale Ibrahim Adan Ali Najah ayaa waxa uu carabka  ku adkeeyay in Mashaaricdan ay ka faa’iideeysan doonan guud ahaan Bulshada ku nool Shabellaha hoose gaar ahaan Dadka dagan  degmada Awdheegle iyo deeganada ku hareeresan.

Mashaaricdan ayaa waxaa fuliyay Mamulka  Gobolka Shabellaha hoose,oo uu hormuudka u yahay Hon Ibarahim Adan Ali Najah isagoo har iyo Habeen u taagan gacan siinta iyo u adeegida shacabkiisa uu Madaxda u yahay.

Gabagabada khudbad Mudane Madaale Ibrahim Adan Ali Najah  ayaa waxa uu ku nuux nuuxsaday in xilli walba ay  diyaar u yihiin Maamul ahaan  hormarinta kaabayaasha muhiimka u ah Bulshada  ku nool Gobolka shabeeladda Hoose .

Mashruucaan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dhowr mashruuc oo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Ibrahim Adan Ali-Najah oo ka fuliyay Gobolka gaar ahaan degmada Awdheegle iyadoo ay weli harsan yihiin mashaariic kale oo uu dhawaan gudoomiye Najah oo Xariga ka jari doono

Gobolka shabeeladda Hoose ayaa ka soo kabanaya Burburkii iyo dagaalada tan iyo markii uu majaraha ama hogaanka u qabtay  Gudoomiye  Ibrahim Adan Ali-Najah.

Bulshada ku nool gobolka gaar ahaan degmada Awdheegle oo maanta laga fuliyay mashrucaan ayaa waxa ay aad u soo dhaweeyeen dadaalada uu maamulka ka wado deegaanka .